Khayre oo Dubai kula kulmay Mid ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradsan dowladdiisa (Daawo Sawirro)

Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Somalia Xasan Cali khayre oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Abu Dubai kula kulmay xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia.

Xildhibaan Xiddig ayaa ka mid ah Xildhibaano la baxay dallada Horusocod oo mucaaradnimo kala hor yimid dowlada wax yar ka dib markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka raisul Wasaare Khayre iyo Xildhibaan Xiddig ku dhexmaray dalka Imaaraadka ayaan la ogeyn inuu ahaa kulan iska caadi ah iyo mid lagu wada hadlayey,  mana jiro hadal ka soo baxay RW Khayre oo arintaas ku saabsan, hase ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulankan uu qeyb ka ahaa dedaal dowlada Imaaraatku ku heshiisiineyso madaxda dowlada Somalia iyo siyaasiyiinta Mucaaradsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -